VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Qurbe - Lyrics

Maxaa qurbo duul Ku lumay Maxaa ku hungoobay Qaar Maxaa ruux qiimo loo Qaayo wayn lahaa bari Ku qayirmay dhul gaalaad Qurbe nolosha taal ee Qaxar iyo dhibaato le Qoomamadu sadkeed tahay Inta quus ka joogtee Samir qaadan waydee Xeebaha qalaad Sii Qabatintaa badan Maxaa qurbo ruux ku jabay Hawshiyo dhibtuu qabo Maxay dantu qaado tidhi Maxaa marwo qaayo loo In la qabo mudnayd Ku qasaartay guurkii Ragna nolosha qaarbaa Ka qancoo rajaba dhigay Markay u qubeen dhashii
Queue is empty
-- / --