Anunbaa samaha waday
Ka bogsooday jacaylkee
Sookaa igu helay

Inaad saarta geediyo
Waxaad siisay mooyee
Inaad saarta geediyo
Waxaad siisay mooyee

Sankuu iga korayo
Sanduluul igaga dhigay
Sankuu iga korayo
Sanduluul igaga dhigay

Inaan seexan waayo
Suuradaada daawado
Inaan seexan waayo
Suuradaada daawado

Sababtaa adigaa lahaa
Ideeb siiyay dacartee
Ila sido jacaylkan igu yidhi

Waligaa ha sii dayn
Adiguna sareediyo
Waligaa ha sii dayn
Adiguna sareediyo

Sahalbaan u haystaye
Inaad tahay safkaygiyo
Sahalbaan u haystaye
Inaad tahay safkaygiyo

Safur siina daaro
Saatirkay i siiyee
Safur siina daaro
Saatirkay i siiyee

Inaan seexan waayo
Suuradaada daawado
Inaan seexan waayo
Suuradaada daawado

Exit mobile version