Dad jacayl
Dad jacayl is raacshoo
Midba joogo meeloo
Intay kala jarmaadeen
Qalbigoodu wada jira
Is ilaalinaaya

Jamashaa asqaysoo
Ku jaraan xusuustee
Jamashaa asqaysoo
Ku jaraan xusuustee

Ana joogi waayoo
Sidiibuu jacayl
Ii jujuubayaa
Mana jarin axdigii
Aan lahayn

Hagaag uma jiifsan karo
Riyaan kula jaar ahoo
Joogiyo quruxdaada bilan
Taharo jalaqsaneey
Ayaa dhul kaa joogayaa

Sidii baan
Sidii baan jacaylkii
Qalbigayga jiifaa
Sidiibaan horjoogiyo
Aragaaga jeceloo
Jiifka kugu tabayaa

Jalna kaama baaqdee
Hadaan kali ma joogee
Jalna kaama baaqdee
Hadaan kali ma joogee

Adigaa jamaaliyo
Quruxiyo horjoog
Iigu jiitayoo jaleecadii
Eegmadaan kugu jantee

Ana joogi waayoo
Sidiibuu jacayl
Ii jujuubayaa
Mana jarin axdigii
Aan lahayn

Hagaag uma jiifsan karo
Riyaan kula jaar ahoo
Joogiyo quruxdaada bilan
Taharo jalaqsaneey
Ayaa dhul kaa joogayaa

Exit mobile version