Heesta Dalshisheeye - Lyrics
Labadii is dooree
ku heshiiya dookhee
weheey dira diraalaha
kala dila ma waayaan
ruxaan daymo dheerayn
dabin kama fogaadee
aqalkii dugsoonaa
adigaygayska dumiyoo
dabaylaha u soo baxay
duulaan colaadeed
dawa keenimaayee
yaa durbaanka ku tumay
dalshisheeya ruux jiraa
dawo kama sugayside
ha ku daalin kugu yiri
maxaan dawyo badanoo
dusha kuugu sidayoon
daruuraha ku geeyoon
dayac kaa ilaaliyay
damac baa ku qaadee
aniga maa ku daba maray
nabsi ruux durdurtaa
danbar maalimaayee
midka daacadaadiyo
dalinkaanad kala garaan
dibin daabyadaydiyo
waxa aniga i daran
miya adiga ku dana..
dalshisheeya ruux jiraa
daryeel kama sugayside
ha ku daalin kugu yiri