Jirabaan kululiyo
Jahwareer wakhti la isu
La isu jaran yahay
Wakhti la isu
La isu jaran yahay

Jacaylkeenii beermaa
La jaan qaaday dhiigiyo
Oogada jidhkoo
Oogada jidhkoo idil

Intaan dunida joogana
Jari maayoo aniguyee
Adiguna yaasmiineey
Ha sii deyn jacaylka

Jiilaal abaariyo
Cadi jigan qabadliyo
Xili jeebku
Jeebku madhan yahay
Xili jeebku
Jeebku madhan yahay

Jacaylkeenii gaahoo
Juqda kuma ababinoo
Qalbiguu la jaar
Qalbiguu la jaar yahay

Intaan dunida joogana
Jari maayoo aniguyee
Adiguna yaasmiineey
Ha sii deyn jacaylka

Ha sii deyn jacaylka
Ha sii deyn jacaylka

Exit mobile version