Heesta Raxmad - Lyrics
wadnahay rusheeysoo
rogba qaadi waayee
risaa astaysay caashaqa
wadnahay astayoo
rogba qaadi waayee
rajadii naftaydoow
roob soo da aayow
reyxaan udgoonow
rasmigeeda nololeed
rafaad lahayn rabi ha inasiiyee
maxamadow rafiiqnaye
raaxayso abidkaa
raxmad eebe keeniyo
raaxadii aduunkaay
nafta tii uroonayd
rucub midho bislaadiyo
ubax rays ku yaalaay
sida raadhi dooglaay
rasmigeeda nololeed
oo rafaad lahayn
rabi ha ina siiyee
raxmooy rafiiqnayee
raaxayso weligaaa
raygaaga wacaniyo
rayraynta farxadeede
qalbigaa ku raystee
ubaxii ragoo idil
wadnahaa ku rootiyo
rugta beerta ku yaalee
rasmigeeda nololeed
oo rafaad lahayn
rabi ha ina siiyee
maxamadow rafiiqnaye
raaxayso weligaaa
raaliiyadii haweenkaay
ramad dhalay sidiisii
raansiga jaleecada
anba ragadka caashaqa
hada i haleelyoo
laabtaa i ruxmayso
rasmigeeda nololeed
oon rafaad lahayn
rabi ha ina siiyee
raxmooy rafiiqnayee
raaxayso weligaa