VOA A B C D E F G H I J K L M N O P Q R S T U W X Y Z


Timo haldhaalay Lyrics

Ubax uu taraaroo
Ubax uu taraaroo
Balaruhu tin iyo cidhib
Inta hoose baaree
Tabinaayay nuurkaay

Timo dugul jileecoo
Inta dhabarka taabtiyo
Ala liinta labiyadee
Alaa qurux kugu ducee

Degenida talaabada
Talantaali laafyaha
Hadba tamash dhaqaaqee
Aan xaragoo ku raacaay

Caashaqii talaalnaa
Qalbigayga kama tago
Talo weheshigeenana
Sidiibaan sidiibaan
U tabaa yaasmiin wali
Sidiibaan sidiibaan
U tabaa yaasmiin wali

Sidaa timo haldhaalay
Sidaa timo haldhaalay
Duugadaba ii hurdada xalay
Hadba riyo ku taabtoo
Dugo maraan ka toosee

Ma dadoodle weynee
Ina kala dhex taaliyo
Bariitaa tanoo dheer
Hadaan ka talaabi karayoo

Tin dheeriyo kuraamaha
Ku taxaashlaynoo
Dhulay nabadi taalaa
Kaaga taagi laa abaay

Caashaqii talaalnaa
Qalbigayga kama tago
Talo weheshigeenana
Sidiibaan sidiibaan
U tabaa yaasmiin wali
Sidiibaan sidiibaan
U tabaa yaasmiin wali


Lyrics by: ismael
loading..
-- / --