VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Dhalanteed Ft Hibo - Lyrics

Nimuu dhabarku jaban yahay dhaq dhaqaaqi maaye sidan dhawr habeen qaday dhafooradu i jiitee waa dhaawacaagii waxanaan la dhubtee markii aan ku dhawraba dhibaa ii kordheysee Hibo Nuura Markii hore dhitiyo subag dhay baan filaayee dhiil madhan adoo sida dhabta iga tuurtee dharab orodka xoolaha dhurwaagaa ku laayee ani dhedo iyo ceeryaan hay odhan ka dhaansee dhalanteedku waa midaan iga dhaadhacayne Xasan Diiriye Ninkii dhiiranaan jiray wakhtigaa dhantaaloo dhaxaan itaalkay amba dhaban adeegoo dhudhun iyo lixaadkii wax ku dheefi waayee hagar kuguma dhaafine dhadhaab bau i horyaalee Hibo Nuura Aqal dhinac banaan yahay dhaxan kaama celiyee dharaartii aan baahnaa igu dhege adeygtee dhuub kaa koley tahay kama helin dhaqaalee waadigii i dhigay meel dhamac iyo abaaroo dhalanteedku waa midaan iga dhaadhacayne Xasan Diiriye Sidii dheeha geeloo dhamaal hawdka daaqdoo danihii bulaaliyo dhobaale joogtaa ama tahay dhir canabaad dhaayaha u roontee wali waan dhursugayaa inaan wada dhamaynee Hibo Nuura Ninkii dhuumanaayee dhabarkiisu muuqdee dhakhso loo ogaadaa sidiisi ka dhigantoo hadalka dhan saarka ah kaa dhageysan maayee hadii ay dhab kaa tahay dhaar may ii maraysaa mise kala dhaqaanaye sidaasaan ku dhaafnaa.. waxaa kuu diyaariyey
Queue is empty
-- / --