VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Ubax dayrtii Baxayoow mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Hassan Diiriye
Ubax dayrtii Baxayoow

Sahra
Ubax dayrtii baxayow udgoonow,
Kaah oogtii waaberi iftiimow
Ma ogtahay anoo ilo biya leh jooga
Ma ogtahay dartaa inaan u oomanahay?

Xasan
Dunnidoo dhan taan ka ag da’anaayay
Middaan aawadeed u ildarnaayeey!
Ma ogtahay inaan kuu ambaday adiga!
Ma ogtahay dartaa inaan ugaaroobay?

Sahro
Heedhe ina abti aboowo
Abboow huunnoo
Ahe sow qalbiga kuma abuurnid!
Ruuxaan arkaba adi ma moodin!

Xasan
Heedhe ina abti abaayo
Addooy huunoo!
Ha irdhoobinoo umal ha qaadin
Amba kuma illaawinee i aamin
Axdi baa inoo xirane aamus;

Sahro
Sidii ayra geeloo irmaanoo,
Ilmaheedii waydaan u ololay
Ma ogtahay sidii igadh maqaarleyda
Ma ogtahay inaan raadsho aragaaga?

Xasan
Oogadiyo adhaxdii jidhkaygaay,
Aqligiyo aqoontii naftaydaay!
Ma ogtahay markuu uurku ku xasuusto
Ma ogtahay in lay kaa ag keenaayo

Sahro
Heedhe ina abti aboowe
Addoow huunoo
Urugada jaceyl baan la ooyay!
Dhibtaan adiga kuu qabo ilmeeyey;

Xasan
Heedhe ina abti abbaayo
Addooy huunnooy!
Kuu imide waykane ha ooyin
Iimaanka deeq ha ilmaynin
Amba kula mid baan ahaye aamu.

codkii Hassan Diiriye, Sahra Ahmed