Inuu caashaq jeel yahay
Jirrab iyo kadeed yahay
Jahannamo la shidayoo
Laga joogi karin yahay
2x
Ka jaawaabay aniguye
Maxaa looga jeedaa
Ma jaboo ha dhiman baa
Ma aakhiro u jiidaa
Ma jannadii Fardawsoo
Jidkeedii la helay baa
Maxaa looga jeedaa
2x
Inuu caashaq jibin yahay
Jug aan cidi arkayn yahay
Wax jaraba naftaadoo
Jiniga u ka daran yahay
Inuu caashaq jibin yahay
Jirab iyo kadeed yahay
Wax jaraba naftaadoo
Jiniga u ka daran yahay
2x
Ka jawaabay aniguye
Maxaa looga jeeda
Ma haraad u joog baa
Ma sariirta jiifbaa
Ma jawharad hilaacdoo
Indhaha iiga raysaa
Maxaa looga jeeda?
2x