Adduunyada nin dhoofiyo
Ninkii deggan dhulkii hooyo
Nin dhargiyoo
Nin dhoowr qaday
Aan dheef hayn

Dheddigiyoo laboodbaa
Hawlii kama dhamaatee
Qof welibaa wixiii dhibay
Dhafoorkeey kutaallaa

Anna dhaawacaygii
Jacayl dhidibta aastaa
La dhaleeliyaaye

Jacaylkeedu dhuuxiyo
Lafaha wuu u dhaadhacayee
Dhulkoo doog
Dhiriyoo ubax
Dhammaan ekeeyeen
Dhawristeeda oo qura
Ayaan dhoowr uqadayaa
Weli dhaban mid kula midaa
Kuma dhalanin adduunkee

Anna dhaawacaygii
Jacayl dhidibta aastaan
La dhaleeliyaaye

Anba kuguma dhaafeen
Haddeey taadu dheelidoye

Maxaa dhacay dhankaageey ujiiftaa
Dhaliiishuyeee

Ma dhiiradoo nimaan garab
Wax lagula dhisayneee
Nafta dhool hillaaciyo
Dhibicbaa u muuqdee

Anna dhaawacaygii
Jacayl dhidibta aastaan
La dhaleeliyaaye…..

Exit mobile version