Heesta Bal maxay indhuhu - Lyrics
Umad walbo xeeriyo
Dhaqan bay xustaayo
Xiliyee sameeyaan
Waayo lagu xasuustaa
Inagana xalaaliyo
Xili guur markay tahay
Laba xiiso isku qabin
Aqal lagu xareeyaa
Hablaha xuuralcayl cayniyo
Xeerada timaada
Waa xeelo sharaf lahoo
Xarinlagu ganbinayee
Yaanu xaalku qurucaniyee
:...
Haddii xudiidkiyo
Xeebtaba ka gudubtee
Xaruuntii dalkaagiyo
Xuduntii dadkaagaba
....
Lama xooro dhaqankee
Waa inaad xanbaartee
Anna caawa xulashada
Iyadanaa uxiiqee
Waa xeelo sharaf lahoo
Xarinlagu ganbinayee
Yaanu xaalku qurucaniyee
:...