sida laamo reero
dabeyluhu lulaayaan
waxa aan la liicaa
waa lahashadaadee
anigo lilaahiya
adigaa i lumiyoo
lurka ii horseedee
lugooyadu mafiicnee
adoon lahayn meel kale
aynu lamaane noqonee
kaalay laabta igu qabo
sida rux laxaadkiyo
laga dhan taalay waaxyaha
waxa aan la luudaa
waa lahashadaadee
hadaan laabta hoosiyo
qalbigeyga kugu ladhay
adna hayu laagine
lugoooyDU ma fiicnee
adoon lahayn meel kale
aynu lamaane noqonee
kaalay laabta igu qabo

Exit mobile version