Heesta Iimacnee - Lyrics
Maado macaan loo mirqaama
miirka iga qaaday
Muxibadaada la macluulayee
ila maadsan maanta
Mugdi habeen iyo maaline
Mid ma noqdaanee
mas'alaad wadaa
Maanta ii micnee
Macbil aduunyo lahaawaa
Lagu meel maraayee
Ha umalaynin muraadkay
Meel xun kuugu dhaafee
Mugdi habeen iyo maaline
Mid ma noqdaanee
mas'alaad wadaa
Maanta ii micnee
Maado macaan loo mirqaama
miirka iga qaaday
Muxibadaada la macluulayee
ila maadsan maanta
Mugdi habeen iyo maaline
Mid ma noqdaanee
mas'alaad wadaa
Maanta ii micnee
Mugdi ka nuurto ahaanee
loo miraa martooy
Maqli maqaadooy
Miisaalkaa Moolahay ma uumin
Macbil aduunyo lahaawaa
Lagu meel maraayee
Ha umalaynin muraadkay
Meel xun kuugu dhaafee