Muuqayda markaan arakayee
Ma ogiyee waxii imarayee
Miirkay iga qaadayee
magaceedana ma haasatiyee
Malaaik aan ku miisaalayee
Waa maagayee, kama maarmiyee

Mugdiyii madoobaayaa
Musbax iga daaratayee
waan maadsaheenaa..

Maal aduunyo dhamaantiisoo
Midagtay la saarayee
Mar inay ila meel joogtaa
Ila muuno leh maanlintaa
Macruuf oo la lahaado waa
Mahaday oo aan maciinsadee

Mugdiyii madoobaayaa
Musbax iga daaratayee
waan maadsaheenaa..

Exit mobile version