Mid imaagayoo
Muuneeyaa ani
Kaama maar mayee

Midab luul ahaa
Lagu moodaayee
Oo maanyo molked
Ka muuqdee

Maxad ii macneen
Kartaa walashay
Macaan oo maanta
Kaa maqlaa madaxa
Waa murgoodee
Malableey muraad
Kayga meel uyeel

Kuu macluulayoo
Miiirka beelee nin
Musaafuroo meel
Lahaynee magan-
Tiis ilahay ku jooga
Ka maqsuudi doon
Taa mugaanee

Maxad ii macneen
Kartaa walashay
Macaan oo maanta
Kaa maqlaa madaxa
Waa murgoodee
Malableey muraad
Kayga meel uyeel

Exit mobile version