Beelaha aduun yada bariyada ku kala nool qaar baahan baa jira boqolaal kun oo sano aan badalin qorshahoo basan baas ku noolaa afrikaba ha u bad naatee x2

Baadka iyo xooluhu ay ku badan yihiinoo bidix midig biyuhu ay socdaanoo badh tamaha wabiyaal burqanayaan bar waaqada dhulkooda u bareeri waayoo baahiyo ku qaba silic oo baa ba'aa jira x2

Qaarna waxay banaysteen buuraha dushoodoo dalagyo ay ku beerteen x2

Howl loo bareeriyo muruq laysku biirshaa mabda'a lagu baleeyaa x2

Birta inuu ka adag yahay ku qoreen buugaagtoo ubad kooda barayaan barwaaqana ku gaareen ku gaareen barwaaqana ku gaareen x2

Aan idiin bayaanshee bu'da hadalku wuxuu yahay soomaalaay baraaruga howsha u bareeroo lasoo baxa barwaaqada dahabka iyo biraha beerahana tabcada x2

Cid kale waxaad ka baridana baahi kaama goysee

Balanteenu waa shaqo Balanteenu waa shaqo x2

Biyo sacabadaadaa looga oon baxaa

Balanteenu waa shaqo balanteenu waa shaqo x2

Beelahoo israaciyo midnimadoon ku baaqnaa

Balanteenu waa shaqo balanteenu waa shaqo x2

Boqol sano midkii jiray bucushaaga buuxsamay gar madoobe aan baqin dhalintooy is biirsoo x2

Balanteenu waa shaqo balanteenu waa shaqo x2

Si aan bugtada iyo baahida iyo oonkiyo jahli uga baxnaa x2

Balanteenu waa shaqo balanteenu waa shaqo x2

Midka dhaga barjoobee qabiilka ay ku baahsheen si uu uga bogsoodoo uga baxo xumaha x2

Balanteenu waa shaqo balanteenu waa shaqo x2

Exit mobile version