Heesta Hawlaha arlada - Lyrics
Bacalwaan:
Hawlaha Arlada hadii lagugu aamino
Umada u shaqeey iyo adeegaha lagaa dhigo
Ha is odhan cidi kuma arkaysee, afka buuxso
ha is odhan cidi kuma arkaysee, ina adeerso.
ha is odhan cidi kuma arkaysee, ina adeerso.
Nin xilaqaaday eed qaadyee , hoy hooy
Xareedo:
Hawlaha Arlada hadii lagugu aamino
Umada u shaqeey iyo adeegaha lagaa dhigo
Awood iyo sinaaan Eex la'aan ayaa lagaa rabaa
Ha is odhan cidi kuma arkaysee, Aqalo jeexo
ha is odhan cidi kuma arkaysee, afka buuxso.
ha is odhan cidi kuma arkaysee, Aqalo jeexo.
ha is odhan cidi kuma arkaysee, afka buuxso.
Nin xilaqaaday eed qaadyee , hooy hooy
Bacalwaan:
Hawlaha Arlada hadii lagugu aamino
Umada u shaqeey iyo adeegaha lagaa dhigo
olalaha runta ah u jeedadiisa ayaa lagaa rabaa
Ha is odhan cidi kuma arkaysee, Shaqo ha aadin
ha is odhan cidi kuma arkaysee, qaranka iibso.
ha is odhan cidi kuma arkaysee, shaqo ha aadin
Nin xilaqaaday eed qaadyee , hoy hooy
Xareedo:
Hawlaha Arlada hadii lagugu aamino
Umada u shaqeey iyo adeegaha lagaa dhigo
Awood iyo sinaaan Eex la'aan ayaa lagaa rabaa
....
Nin xilaqaaday eed qaadyee , hoy hooy