Heesta Oktoobareey - Lyrics
Ifafaalo gaaraa lagu arkaa
Faceed lagu asteeyaa
Lagu aqoonsadaa
Ujeedaduna waa
Isticmaarka iyo
U adeegihii
Markay na ajaleen
Ood nagu jiideen
Beeshu eedayoo
Axdigii jabsheen
Indheergaradkii kacay
Adigaa lahaa
Oktoobareey
Adigaa lahaa
Urugadii bulshadii
Ka uur gubashadeed
Cadawgii kadaray
Ka afqabashadeed
Ambadkeedii lumay
Isu ururinteed
Onkad iyo hilaac
U odorasideed
Ilayskii xornimo
Ugu baaqideed
Adigaa lahaa
Oktoobareey adaa lahaa
Aaniyo qabiil
Iil kaga rideed
Eed iyo diliyo
Eex ka aasideed
Bangiyada anfaaci
Albaab uga furteed
Warshadeeheena ugub
U irmaaninteed
Aaran iyo doog
U aagasinkeeda
Adigaa lahaa
Oktoobareey
Adigaa lahaa
Ubad iyo duq iyo
Dooni iyo abeer
Is uradugeed
Israaciyo midnimo
U adeejinteed
Adigaa lahaa
Oktoobareey
adaa lahaa