VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Soomaali baan ahay - Lyrics

Waqtiyada socdaalka ah Ayaamaha silsidda ah Xilliyada bal suuree Soojire haddaad tahay Sadarrada dib ugu noqo SOOMAALI WAA KUMA? Sinnaantaan la magac ahay Sanku-neefle ma oggoli Inuu iga sarrayn karo Anna garasho sogordahan Sooryo ruux ugama dhigo SOOMAALI BAAN AHAY Ninna madax-salaax iyo Kama yeelo seetada Sasabada ma qaayibo Sirta waxaan iraahdaa Saab aan biyaha cellin Somali SOOMAALI BAAN AHAY Inkastoon sabool ahay Haddana waan sarriigtaa Sacabada ma hoorsado Saaxiib nimaan nahay Cadawgayga lama simo SOOMAALI BAAN AHAY Socdaalkaygu waa meel Sahaydaydu waa dacar Soohdintaydu waa caan Seeftaydu waa cudur Naftuna geedka iga suran SOOMAALI BAAN AHAY Nin i sigay ma nabad galo Nin i sugayna maba jiro Libta weli ma sii dayn Gardarrada ma saacido Nin xaqlana cid lama simo SOOMAALI BAAN AHAY Nabaddaan u sahanshaa Colaaddaan ka selelaa Sooma jeesto goobaha Ninka nabarka soo sida Gacantiisa kama sugo SOOMAALI BAAN AHAY Dabayshaan la socod ahay Salfudeydna uma kaco Waabay sunaan ahay Marna samawadaan ahay Samir baan hagoogtaa Soomaali baan ahay Ninkaan taydu soli karin Uma yeelo suu rabo Sida dunida qaarkeed Sandulaynta ma ogoli Ninna kabaha uma sido SOOMAALI BAAN AHAY Ninka iga sed roonow Siintaada magaca leh Ogow kaama sugayee Hana oran “sasabo bedow” Dareen seexda ma lihiye SOOMAALI BAAN AHAY Saan la kala jaraan ahay Summadi ay ku wada taal Rag baa beri i saanyaday Anoo xoolo soofsada Xil midnimo anaa sida somali baan ahay
Queue is empty
-- / --