Wadanigu ma seexdoo
Weedaha af miishaar
Ma walaacin karayoo
Waxan kuma abuuree

Wehelkii ciidaa weeyee
Wakiilkii calanka weeyee
Wuxuun u diida weeyee
Waa wadada kan qaada

Waa laba wajiilaha
Midka waasha wareegee
Waa waa laba wajiilaha
Midka waasha wareegee

Nin wacadku furaayoo
Waantoobi waayana
Walaalnimo ka dooninee

Hawlahan la wada jiro
Wakhti kama habsaamaha
Wahsihigiyi hurdada neceb
Weeyaan wadanigu
Ha waaree weeyaan

Wadanigu ma seexdoo
Runta kama waabtoo
Waaka cadawga wiiqoo
Waaxyihiisa gooyee

Wadkii gumaystaha weeye
Walwalka beeshe weeye
Wada jir doona weeyee
Waa wadnaha dalkiisee

Waa walaahi beelaha
War xuumaata sheelkaa
Waa walaahi beelaha
War xuumaata sheelkaa

Wacdi iyo tusaaliyo
Wax u sheega weeyee
Kala weeca diidee

Hawlahan la wada jiro
Wakhti kama habsaamaha
Wahsihigiyi hurdada neceb
Weeyaan wadanigu
Ha waaree weeyaan

Exit mobile version