Walee ma hagrado dhulkayga
Walee halis ugama baydho
Walee hawl ugama baaqdo
2x
Midka wada hadimadiisana
Walee abid lama heshiiyo
2x
Walee kuu huray naftayda
Halkuu yahay kama hagaago
2x
Walee hiiliyo hoo
Intaan jiro kalama hadho
2x
Walee ma hagrado dhulkayga
Walee hirashada libtiisa
Walee hanashada ma daalo
2x
Intaan wado horumarkiisana
Walee nacas kuma haleeyo
2x
Walee hantidan u doonay
Hadhuudhkeeda cadow Ma heelo
2x
Walee hiiliyo hoo
Intaan jiro kalama hadho
2x

Exit mobile version