Madaxwayne daacada
Dadku uu u baahnaa
Dalka uu sugaayoo
Diintana la darisoo
Daadaheeya noqo

Shacabkiyo dadwaynuhu
Kay ku diirsadaanoo
Samir iyo dulqaadloo
Daadaheeya noqo

Anagana ducaan
Doc kastoon ku noolnahay
Kuu soo diraynaa
DAA'IMKEEN ha kula jiro

Ka gudubnee ka gudubnee
Ku meel gaadh ka gudubnee
Dawlad taam ahoo dayr waynlebaan
Kuu dooranee xilka daadahee

Duhurkiyo habeenkuba
Dhiiga daadanaayiyo
Kuwii noo daraan jiray
Duligiyo qabiilkii kii dabiiba noqo

Dalkayaga dhamaantii
Soomaaliyoo dagnaba
Shinbir duulayoo ku dul meera noqo

Waxa naga dardaarana
Cida duudka saartaye
Ha ku noqon duluun culus

Exit mobile version