VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Africa waa dhulkaygii - Lyrics

Afriki waa dhulkaygii Waan ku dhashay Afriki waa dhulkaygii Waan ku dhaqan Afriki waa dhulkaygii Waan ku dhiman Afriki waa dhulkaygii Waan ku dhaadanayaa Dhabaan u jecelahoo Dhaliil uma ogali Afrika dharab lagama waayine Afriki Dhul barwaaqo weeyaan Dhuuniyo dheemanbaa ka buuxoo Colaadu markay dhamaatana Dhulkaygii waan ku noqon 2x Meel aan eedaan ka dhawaaqin kumaanan dhalan Meel ay xaasku kala dhaqmaan kumaanan dhalan Meel aan waalid la dhagaysan kumaanan dhalan Meel barafku igu dhaco kumaanan dhalan Geeska afriki waa dhulkaygii dhexda waan uu yaal Geeska afriki waa dhulkaygaa dhexi ku koree Geeska afriki waa dhulkaygaa ku dhabiib siday Geeska afriki waa dhulkaygii waan ku dhaadanayaa Dhabaan u jecelahoo Dhaliil uma ogali
Queue is empty
-- / --