1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane
Babaygii jamaamiyo
Canbe jilib ku yaallaay
Ubixii jannaaliyo
Jowharad la moodyeey
Jidhkaagaa udgoon baa
Isoo jiidanaayee
Wadnahayga jeexdee
Jeegaan sideedaan
Hay odhan jawaab xumi
Geenyada jaraysani
Ma taqaan jikaarkee
Jidiinkaagu raaxada
Ma mid jaahil ka ah baa
°°°
Jeertaa gadoodo
Jirifka iska kicisee
Ruuxii hor joogsada
Howl yari ku jiidhee
Sida jiir dhallaan helay
Ha jirrabin naftaydee
Waxaan kaaga jeedaa
Jinow inaan wadaagnee
Qarda jeexa iga daa
Geenyada jaraysani
Ma taqaan jikaarkee
Jidiinkaagu raaxada
Ma mid jaahil ka ah baa
°°°
Jamaal qurux wanaageey
Jalleecadaan ku eega ba
Jacayl igu abuurmoo
Kaa jeesan waayee
Xageed iga jiraysayoo
Jihadee baad ku noolayd
Jeexaygii midigeey
Jidka laysma taagee
Jinoweey isoo raac
Geenyada jaraysani
Ma taqaan jikaarkee
Jidiinkaagu raaxada
Ma mid jaahil ka ah baa
°°°
Haamadayga jiilaal
Ruux u janjiidhayee
Jiirkiyo abeesada
Jilif wayn lahayd
Aan soo marin jidaal
Dheer
Jiiftada halloosiga
Ka jidhiidhicoodee
Janna gale ha ii celin
Calool jilicsanaantaadu
Ma hal jeel ku raagaa
Sideeen johoradaydaa
Ciyaar ugu jajabiyaa
Jiriidkaan adkaysta ba
Goortuu jillow gabay
Ay jamatay laabtii
…….
Naftaan xadhig jibaanjiba
Ku xidh-xidhay jaxaaskii
…….