VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Gorayada - Lyrics

Goroyadu ilmaheeda
Aroori bay dhigtaayoo
Aboodigu ku laayaa!
Shinbirtuna aroosay
Ila-xidhoo amaana bay
Ubadkeeda seexisaa!
Kala awdan labduye
Edebtiyo aqoontiyo
Asluub bay isku dhaafeen!
Caqligii wanaagsani
Itaal inuu ka roon yahay
Bal eegoo u fiirsada!

Ilka weynow maroodigu
Aradaduu mirtaabaa
Cadowguna ka ugaadhaa!
Aboorkuna dundumadaan
Aragnay buu dhistaayoo
Naftiisa ku ilaaliyaa!
Kala awdan labaduye
Edebtiyo aqoontiyo
Asluub bay isku dhaafeen!
Caqligii wanaagsani
Itaal inuu ka roon yahay
Bal eegoo u fiirsada!

Ma ogtihiin sakaaradu
Awaarahay qodaayoo
Saaladeeda ku aastaa!
Libaaxuna ma asturee
Hilimadu ka arooraan
Siigadiisa ku aragnaa!
Kala awdan labaduye
Edebtiyo aqoontiyo
Asluub bay isku dhaafeen!
Caqligii wanaagsani
Itaal inuu ka roon yahay
Bal eegoo u fiirsada!

Queue is empty
-- / --