Heesta Himillo - Lyrics
Halyay la wada hadhsada Oo
Anigu waan kuu hanweynee
Hadaan isku kaa hibeeyoo
Hogaamiye ii ahaatoo
Hadaan wadnihiyo
Halbawlaha Dhexdooda hadhsado Waamo
Armaad hoga iiga baydhaa
Hadimo raga lagama waayee
Armaad hami igu abuurtaa
Hadhawna I hanaani weydaa
Hiirtaanyadu waamay hadhawdoo
Haday rawsabo ahaataa
Hooskeyga anoon ka fiigeyn
Hubsiimo halbaa la siistaa
Hooskeyga anoon ka fiigeyn
Hubsiimo halbaa la siistaa
Inaan isku kaa haleeyay iyo
Inaan caashaqa la kaladhoyee
Taan kuugu hagaagay ii sheeg
Taan kuugu hagaagay ii sheeg
Taan kuugu hagaagay ii sheeg
Taan kuugu hagaagay ii sheeg
Ha kastaba kalgacaylkaad
Lahayd wey hayaa
I helyoo ana uu I heenteeyee
Hadaan hada iyo hadhawtaba
Ahaadona kuu hanuuntaa
Hadaan hag kastaba
Hibaaqa wadnaha
Ka habo kalgacayl ku hooraa
Armaad hilawgani Hadeerta iyo
Xikmada hadalkaad I leedahay
Markuu I haleelo caashaqu
Armaad heegada isa saartaa
Hadaan hoy wada habaysano
Armaan kaligay u hoydaa
Hooskeyga anoon ka fiigeyn
Hubsiimo halbaa la siistaa
Hooskeyga anoon ka fiigeyn
Hubsiimo halbaa la siistaa
Inaad haweenkaba u tahay habeenkiyo
Inaad ahay ku aanad huri karayn
Teen kuugu hagaagaa labadaa
Teen kuugu hagaagaa labadaa
Teen kuugu hagaagaa labadaa
Teen kuugu hagaagaa labadaa
Hanadoow hawraartaada
Dhanbaan ka heloo
Hubsaday inaad hanweyntee
Hayeeshee hogaal tusaalihii hore
Hordhicii hadalkayga istaahil maaha
Hadiyo dhinkii hada is huri weynoo
Ahaanay laba isku hooraa
Udugta kalgacayl halis galiyaa
Ka hiqo hadaladooda beentaa
Hoosiiska dhexdeena ee hore
Himiladeeni baa hagoogtay
Hadaan hawl ka dhawrno caashaqa
Hantaaqada gaadhi maysoo
Hawraarta hadi hadaanan imanaynoo
Hambalyo iyo hawli iga dhamaatay
Hawraarta hadi hadaanan imanaynoo
Hambalyo iyo hawli iga dhamaatay
Hadaan isku kaa halaynayaayoo
Hadaan wadnahayga ku leeyahay
Taan kuugu hagaagi laa hayaa
Waxan kuugu hagaagi laa hubaa
Taan kuugu hagaagi laa hayaa
Waxan kuugu hagaagi laa hubaa
2x