VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Hoo Gacanta - Lyrics

sida goraya cowl ama gool irmaan ama galowga ciya waan goohayaa gabadhan jeclaa gami waayayoo aniguba guntadayo caashaqan ku galay geed xididkii igu noqoy lama diido gar igamana gu weynide waxaan ahay gayankaa gacanban ku siiyee ninba meesha gubaan wuu garanayaa hadaad mooday gabdhyahay aduunyadu ma guuraan waa geed hadhkii waa labada galin cudurkiyo cadadaa kala guuraye bal garaawso hadalkaa sida goodir xadhig galay u goohay golaheen sharafta leh u guxay ma gun gaadhnay talo gacasho guul laguma waabee sida geenyo wacan galab miraada ahyd oon gaajo arag guud qurux sanley gabadhaana jeclaay qalbigay i gobtoo halbowluhu ma gayn gabiyada wadnaha oo ma gadhsiiyo dhiigee arin kula gudboon lama gees maree ka gudoomayoo gacanta ku siiyee gali wayay socod gabax idhi haraad hadaad mooday guushu iney tahay midan gudhin waa gu iyo deeyr gaajo iyo dherag kala guurayee bal garowso hadalkaa gantaalihii jaceylkaa igaadhay gartey ula jeedada gudoomay soo gaabshay hadal gooyay kuu gaba gabeeyee
Queue is empty
-- / --