VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Leexo - Lyrics

Innagoo lamaano ah Iyo laba naf qaybsi leh talo geed ku laashee Adigaa is lumiyoo Isu loogay cadawgoo, Libintaada siiyee, Waadiganse liitee, Leexadu ku sidatee, Hadba laan cuskanayee, Liibaanteeda aduunyada Ruuxna laasan maayee. Maxaa luray naftaadii. Waa laac Aduunyadu Labadii Walaalo ah Midba maalin ladayahoo Ruuxii u liil Galay Lama loolo dharagoo Lugooyaba mageystee Waa adigasan laabtiyo Lugaha isla waayee Meel sare lalmanayee Liibaanteeda aduunyada Ruuxna laasan maayee. Maxaa lulay naftaadii Adiguba laf iyo jiidh Waadigii idlaadee liqiwaayey oontee Adiga liscaanood iyo Laas xareediyo Laydh iyo hadh diidee. Waadiganse sidii liig Laasimay ugaadhee Waaqlada u leexdee Liibaanteeda aduunyada Ruuxna laasan maayee. Maxaa lulay naftaadii. Dhaaxaad ladnaan Rays Sidaad aar libaax tahay Talaabada ladhaysoo Anna lahashadaadiyo Ladiwaayey jiifoo Liidnimo i-raacdee Lalabaha habeenkiyo Ma libdhaan jacaylku Ruux uu laba dibleeyaa. Liibaanteeda aduunyada Ruuxna laasan maayee. Maxaa lulay naftaadii Innagoo lamaano ah Iyo laba naf qaybsi leh talo geed ku laashee Adigaa is lumiyoo Isu loogay cadawgoo, Libintaada siiyee, Waadiganse liitee, Leexadu ku sidatee, Hadba laan cuskanayee, Liibaanteeda aduunyada Ruuxna laasan maayee. Maxaa lulay naftaadii
Queue is empty
-- / --