VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Ma Ii Baaqday - Lyrics

Ma ogtahay Bii iyo oon Baahidaa kalgacalkaa Beeryaheyga gooysoo Adna barashadaadi Bidhaan araga guudnimo Baalna uma dhaafine Waxaad tahay Bogeygiyo Beerkiyo wadnaha Nacab ugu baaqaye Waxaad tahay Bogeygiyo Beerkiyo wadnaha Nacab ugu baaqaye --- Ma ogtahay Bad iyo webi Adigoo dabaal baran Loomaba badheedhee Baahida kalgacalkuna Taaseey la baabtoo Dadka laguma beeree Ma ii baaqday sida beel Baadiyo xareediyo Loohelay Barwaaqooo -- Maxaan kaaga baydhaa Ama kaaga baaqaa Sow la imakaa badin Inanyahe nin bayrlihii Runta lama badheedho Bogan waa dantiisee Hadba sida ban joog cawl Ciirsiga banaanada Kalidey ka baaqaa Waxaad tahay bogeygiyo Beerkiyo iyo wadnaha iyo Nacab uga baaqee == Inan yahw basari iyo Doqon baa nin beegsaday Bar xun kaaga dhaqaaqde Haka baqan badhaadhiyo Mid uunbaad kuso bixi Barashada khasaartee Ma ii baaqday sida beel Baadiyo xareediyo Loohelay Barwaaqooo -- Maxaan kaaga baydhaa Ama kaaga baaqaa Sow la imakaa badin Inanyahay bidhaan iyo Dumar baaxad iyo xoog Bilic baad u sidataaa Baashaada ila qabo Bi’waaye howlaha Waa la isla beyntaa Waxaad tahay bogeygiyo Beerkiyo iyo wadnaha iyo Nacab uga baaqee -- Wey laba bogley iyo Arimahoo balaadhiyo Taladooy igu baahdee Aniguba bil iyo laba Baaxaa dag mooyee Hurdo kaama boganine Ma ii baaqday sida beel Baadiyo xareediyo Loohelay Barwaaqooo
Queue is empty
-- / --