Qanjaba iigama horeyn
Qiyaastii aragtidaadoo
Qacdii aan kula kulmayba
Qumaatiba la I wareer la I wareer
Qumaatiba la I wareer aniga
2x
Bal qabsoo kalgacayl bal qabo
Qalbiga Meeshaad ku taal
Hadaan Warfaafinta uu diran lahaa Mar qudha

Jacaylku qaabkuu ii helay
Waxbaa laga qori lahaa
Rasiyo mahadhooyin Reeboo
Dadkaa wax ku qaadan lahaa

Gabalku wuxuu qam yidhaa
Anoo qaadaa dhigaaya
Qudhaydan qudhaydan
Qudhaydan qudhaydan
Qudhaydan qudhaydan kuu qaraan

Habkaan kuugu sheegi lahaa
Hadalka waligii qabyaabuu
Bal qabso lagu qaayidhaa
Anoon wali kuu qayixin
Bay qoraxduna igu soo baxdaa

Qushgucdaad igula hadashiyo
Ku qoray boga qaaliga iyo
Imaagii badnaayee ku qancaybaa
Qunbacashada iigu wacan iigu wacaneey
Qunbacashada iigu wacan aniga

Qushgucdaad igula hadashiyo
Ku qoray boga qaaliga iyo
Quruxdaadiibaa I qaadoo
Qunbacashada iigu wacan iigu wacaneey
Qunbacashada iigu wacan aniga

Qabqabsoo naftan quusanayn
Habeenka labadiisa qaar
Huradadu qiir qiir ku taaloo

Riyada kugu qarawdaalii
Waxbaa qumanaan lahayn
Nolosha Oo aad la qeybsataayoo
Qorshana la samaysatee

Jacaylku wuxu qaali noqdaa
Kolkay labo qaybsanaysee
Qudhaydan qudhaydan
Qudhaydan qudhaydan
Qudhaydan qudhaydan kugu qafiiftey

Adigu taladeena qabo
Inay quusataa ii
Waa qancaree qiimeeyoo
Qalbigeedana Dhowr

Hadoo is noqotaane
Qumanoow qabanqaabi guur
Hadoo is noqotaane
Qumanoow qabanqaabi guur

Exit mobile version