Siday tahay nafteydiyo
lama socotid howlaha
sanadahan i haystee
sasab iyo wax sheegiyo
samir waan ka quustoo
wa inaan salgaadhee

adna sibiq ku dhaafiyo
salaan guud ha joogtee
sidee tahay imaad odhan
intaad soo dhawaatee

sabab kale ha moodinee
suntaadii habeenadan
waan ka seexan waayoo
seedahaad i goysee

Xalay baan saqdii dhexe
sariirtaan ku jiifsaday
Sagaal jeer ka toosoo
Suudiga cadceediyo
sol iyo abaar baan
sahay li’i fadhiistee

adna way sagsaagtoo
subaxdaan is aragniyo
saacadan aan kuu imi
iima kala sukeysidee

sabab kale ha moodinee
suntaadii habeenadan
waan ka seexan waayoo
seedahaad i goysee

Midabkaagan sagalkee
seymo roob aad moodiyo
sanqaroorka kugu yaal
suuradaada oo qudha
ma siisteen aduunyada
hadeey ii sinaatee
adna sidig irmaan baad
saac doogu yaalo
seeraha ku maashoo
ina soori waydee

sabab kale ha moodinee
suntaadii habeenadan
waan ka seexan waayoo
seedahaad i goysee
kumaba saamaxaayee

Exit mobile version