Inta saaran dunidoo dhan
saygaan ka doortaan
sabenadan raggan kacay
sadkii aan ku yeeshoo

waxaan kugu sagootiyey
safar khayr leh socataye sidii roon
samaayihii dhexdeena ha sii dayn
saacaddii aad joogtana
ku seexoo ku soo toos

anna waan ku sugayaa
soo noqo adoo nabad ah

Samri waayey niyadaydii
lagu saarey caleenkee
saqda dhaxe habeenkii
sahwiyey oo dhawaaqee
waxaa iiba sii dheer
niyo sidig ah
sare taagan awgaa
daraaddaa u saleshaan sasabayaa
samow hadday ku weydana
si ay noqonba mooyee

anna waan ku sugayaa
soo noqo adoo nabad ah

Arag sugaha indhaheyga
nuurka ii siyaadshoow
sidriga iyo maanka
qalbiga kii i sifeeyoo
sidaan kugu illaawaa
niyad sooman soo jeedda awgaa
usaadineysa adigaan sasabayaa
samo hadday ku weydana
si ay noqonba mooyee

anna waan ku sugayaa
soo noqo adoo nabad ah

Exit mobile version