VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Soomaalaay garo intaa - Lyrics

Adigoo goob halis yaal geeridu ku xeerantahee maxaa lagu gacan qabtaayoo gurmadku ku badbaadiyaa Adigoo horta galay dadaal Waxaad gaari weedayee Dantaadu ka gaabisaa Gargaar lagu sii kabaa Haddana gurigaaga dumay Gaddeen udhistaanu lahayn Wallee Gabalaxsan duqun Garaad maran baad siddaa Cid kale kuu waabta geed Waa tii gabalkaa dumaa Dad is gaba looma galo Abaalee Soomaalaay garo intaa Guud ahaan Adduunyada Garaanta ah Umadaha ku godooman Gabigood Iniba dal ugaar ah leeyihiinoo Gaar ka haayaan kuna gaboobaan Goor walba hormarin ugoobaan Ininna keeni soo ganbiniyo intaan galalafnay ka guurnay Miyaan geesi wadani ah Ka gubtaa Ku dhalan gayigeena guudkii Hadana guuldarada ku gaartay Kolay horta adigoon ka gaashaamin Walee gabalaaxsan doqon Garaad maran baad sidaa Cid kale kuu waabta geed Waa tii gabalkaa dumaa Dad is gaba looma galo Abaalee Soomaalaay garo intaa Gunlaay soomaali garaadlaay Goor walba nabad baad ku guuxdaa Haddanna waa kaa gadaadaa Heshiiisbay inba gaar ugaadhaa Waxaa hadda kula gudboon Adoo gobalaysi iyo Ka gudba gaar gaar ahaanoo Isku geeya guusha meel Haddana gurigaaga dumay Gaddeen udhistaanu lahayn Wallee Gabalaxsan duqun Garaad maran baad siddaa Cid kale kuu waabta geed Waa tii gabalkaa dumaa Dad is gaba looma galo Abaalee Soomaalaay garo intaa
Queue is empty
-- / --