Taladaan qorshaynaayayeey
Qormadaan tusmaynaayay
Reerkaad u qalabqaatay
Aqalkaan qotominaayay
Qalay oo ka qaday noqotay
Waxaan laba qadderin noqotay
Labadii qof ee isjecel
Naftu hadday u qaybsami
Qudha kaan u bixin jiray
Iga qadi nasiib noqotay

Naxdintaan la qiiroodayeey
Qulubkaan i haysta
Ilmadaa I wada qoysay
Qofba maalin soo qabatayeey
Taydu se qarracan noqotay
Dibinta is qaniin noqotay
Labadii qof ee isjecel
Naftu hadday u qaybsami
Qudha kaan u bixin jiray
Iga qadi nasiib noqotay

Qabanqaabadii aan hayey
Qarankii aan soo goostay
Qalqalladii arooskayga
Quruxdaan ka filanaayey
Quluf lama filaan noqotay
Qoomamo aan hadhin noqotay
Labadii qof ee isjecel
Naftu hadday u qaybsami
Qudha kaan u bixin jiray
Iga qadi nasiib noqotay

Lyrics by Cabdillaahi C. Cige

Exit mobile version