VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Qalbigu - Lyrics

Maxaan awgaa hamiyay Maxaan saqda dhexe hurdada Hilawga dartaa salalay Maxaan hoodiyo kalgacal Inaan kugu habo jacayl Naftayda maxaan ku hawlay Anoon hagranin dadaalka Waxaan murti kuugu heesay Inaad garataa haboone Dantiyo hawlaha dhexdeena Qalbiga waligaa ku hayso Maxaan awgaa hinqaday Maxaan hibashiyo xasuus Habeeno dartaa burqaday Maxaan hanashiyo wanaag Inaan kugu helo dulqaad Hedayda maxaan ku waanshay Anoon hagranin dadaalka Waxaan murti kuugu heesay Inaad garataa haboone Dantiyo hawlaha dhexdeena Qalbiga waligaa ku hayso
Queue is empty
-- / --