VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Waxaan guule kuu qorin - Lyrics

Geesigii rageedoow Bahay maalmahaanoow Adigiyo garaadkaa Garti nine qarsoonayd Gabtay sheekadeenii Balankiyo guurkii Is gargaarsigeenii Adigaa ka baxayoo Oo gabay xilkaagee Gabay barashadiinee Ana guul joogee Gabku waa nasiibkaa Waa gargaar jacayl Guri dagay hanti badan Oo labada geesood Aan lakala guraynine Sida gobiyo dhaqankeen Gabaatigiina iga bixi Galad eebe weeyee Waxaan guule kuu qorin Orod laguma gaadhee Ha uculanin gaawaha Galbiskii jacaylkee Gaafka loo sameeyiyo Ha uganbin reerkaa Gacal aan wadaagnee Garo oo is maaree Godkiyo abeeskii Gaws iguma qabanee Adigoon garaafayn Gacan sharaf ku seexdiyo Gurshaano ha sahankii Ana guul joogee Gabku waa nasiibkaa
Queue is empty
-- / --