illaahbaa mahada lee
indhuhu nuur bay arkaan
ilay baxayay arkkaan

iftiin shidan bay arkaan

soomaalo urutayoo
nacaybkiyo aanadi

wixii eeliyo dhib jiray

idil ka heshiisayoo
ul iyo diiraan arkaa

nabad sidaa loo bartiyo
ku doojisay oo arliga
dadkii intifaacsadiyo
israaciyo wada jir iyo
amaan sugan baan arkkaa

alloow sharka naga xijaab
irdaha khayrka no furoo

alloow xaqa noo adkkee

immaan kana noo quwee

illaahbaa mahada lee
odoros khayrlaan arkaa
awaala san baan arkaa

iskaashi midaan arkaa

indheer garad talinayoo
dan guud ka ariminayo

agoontiyo maatidiyo

ubaxa noo korinayoo
umada simaan arkaa

amaana xil baan u culus
xilkuna waa eed culus
udgoona aan eed lahayn
ayuunbaa ilaalin karra
dadkuna isku aaminaan

alloow sharka naga xijaab
irdaha khayrka no furoo

alloow xaqa noo adkkee

immaan kana noo quwee

Exit mobile version