hadii nabad la helay
waa naruro kaw

noolaha dhamaan
nolol raaxaluu
ku noolaanayaa

mana daalo nacab
kuma niyad jabnee
naxligii baxyoo soo nabdaadayoo

nudub bilatayo
nabarada dhamaan
na bogsoodayee

noo daranahii
guusheena neceb
sharci naga qabtaa
na kaxaynayee
nafta qaalibay
noo noqatayee
ninkii dila nin kale
naftuuu waayayaa

naas la nuugayoo
aan abid nuglaan
nasri iyo qabaaw
neecaw macaan
nnuur iyo iftiin
aan naaqusmayn
nabadbaa lahee
aan adkayno nabad

dalku waa inuu
nabad alay hadee
aan adkayno nabad

diintu way inoo
nabad gashay hade
aan adkayno nabad

dadku way inoo
nabad galeeen hadee
aan adkayno nabad

muday naga maqnayd
oo naawilnee
aan adkayno nabad

nabad baan helnee
aan adkayno nabad

Exit mobile version