umada soomaaliyeed
cadawga aqalkaaga gubay
ajashaada ayuu raba
aalada qarxayuu wataa
agtaaduu ku aasayaa
adoo arkayoo ujeeda
sideed uga aamustaa
arxann gooya u aamintaa
insha allaah waxaa haboon
axadkastoo laga shakiyo
ama aad u aqoonsataan
inuu dheeraad ku yahay
amaankiyo nabadgalyada
iska soo qabo intuu ku dilin
ciidanka saldhigyada u gee
hadaanad awood intaa
teleefan adeegso aayar
inaad sheegto ood tilmaanto
ayaa ku badbaadisee
ma afkaa ku qaloocanaaya

umada soomaaliyeed
awalan tala saaro eebe
ddabdeed aamin dawlada
ogaysiis kuuma hadhin
umadyahay abidkaa ha dagin
ubadkaa ha waayo nolol
dilkaaga anaa banaystay
ihaano intaa ka badan
insha allaa waxaa haboon
axadkastoo laga shakiyo
ama aad u aqoonsataan
inuu dheeraad ku yahay
amaankiyo nabadgelyada
isku soo qabo intuu ku dilin
ciidanka saldhigyada u gee
hadaanad awood intaa
teleefan adeegso aayar
inaad sheegto ood tilmaanto
ayaa ku badbaadisee
ma afkaa ku qaloocanaaya

Exit mobile version