Ku libintii gaadhoo
Aan la loodin karayn
Ku libintii gaadhoo
Aan la loodin karayn
Laydhadaa nahee

Goormaa ladnaanay lixdankii
Lu gooyadii na daysay
Lix iyo labaatankii juun
Goormaa lulanay lixdii saac
Goormaa liibaanay
Kawdii luulyo laba midawday

Kuwa cadawgii laayoo
Isticmaalkii lumiyoo
Kuwa cadawgii laayoo
Isticmaalkii lumiyoo
Liidan baan nahayee

Goormaa ladnaanay lixdankii
Lu gooyadii na daysay
Lix iyo labaatankii juun
Goormaa lulanay lixdii saac
Goormaa liibaanay
Kawdii luulyo laba midawday

Kuwa yeeshay laxaadoo
La sinaaday aduunkoo
Kuwa yeeshay laxaadoo
La sinaaday aduunkoo
Liicinbaa nahee

Goormaa ladnaanay lixdankii
Lu gooyadii na daysay
Lix iyo labaatankii juun
Goormaa lulanay lixdii saac
Goormaa liibaanay
Kawdii luulyo laba midawday

Kuwa laantana noqdoo
Lamaanihii ka maqan yihiin
Kuwa laantana noqdoo
Lamaanihii ka maqan yihiin
La sugaya nahee

Goormaa ladnaanay lixdankii
Lu gooyadii na daysay
Lix iyo labaatankii juun
Goormaa lulanay lixdii saac
Goormaa liibaanay
Kawdii luulyo laba midawday

Exit mobile version