Heesta Awdal - Lyrics
Boqol sano horteedbaad
Calanyahaw bildhaantoo
Boqortooyo adag iyo
Asalkaagu waa bulaneey
Aan baaba'ayn abideey
Hobeey bada saylac booniyo
Hobeey buurta saw libaaxlay
Hobeey surimaha badhoodba
Hobeey awdal kaaga baaqaayeey
Hobeey awdal kugu bariistaaye
Bishii dhalatayoo badhaadhayee
ALLAHAYAW balaayada
Awdaleey ku baal mari
Been maaha taariikh
Iyo buugtan qoranee
Bilicdii waxbarashiyo
Hoygii barbaartee
Aqoonyahan ka beermaay
Hoobeey booramoo barwaaqo ah
Hobeey gabilay beeraheedii
Hobeey baki ilaa dila
Hobeey awdaleey ha baal marineey
Hobeey soo booqo ciidaadee