cawo dhalatay weeyoo
curashada bishani waa
laba calaf wadaagoo

cajabeey barbaartiyo
iska calmaday gayaankoo
caawa aqal galkoodii
cawiyo ayaan yahay

caruur rays le iyo doog
rug caleentu qarisoo
ubax caynba cayn noqoy
ku cugaayo dharabkii
CAADIL hoygiin ka yeel

cadradaad ku dhalatee
caafimaad ku wada lada
ceelkii hargaysiyo

ciidiina hodanka ah
ku caweeya samahoo
cawo iyo ayaankii
caanaha ku wada dhama

anoo curadii hooya ah
ogow caawa heesiyo
codbaan kugu macsuumee

camal suubanaantaaduna
waa caqiido dhaxalee
CASIISbaan baryaaya
inuu cidhib raagta kaa dhigo
cawiloow cidhib raagta kaa dhigo

Exit mobile version