Heesta Ciil - Lyrics
Anoo cadow kaa ilaalshay
Cidnaba aan kula simeynin
Hadaad ciil igu abuurto
Mid kasta aad calema saarto
Mid kle caashaqa bar siiso
Kalgacal aan cunaha dhaafin
Wale been kula caweeyo
Cindigu wada yeeli maaye
Ha ii laba codleynin
Lurka iyo camal ladnaanta
Caqligu ka gareysan maaye
Col iyo nabad kii ku deeqa
Go'aan caawaba ka qaado
Talana yey kula cuslaanin
Anoo nolol kugu cazuumay
Qalbiga calan kaaga taagay
Hadii dooqu waa cajiibe
Markasta aad cibaara kento
Mid kle caashaqa bar siiso
Hadaad ifka igu cidleyso
Hadaad cizila itaagto
Labadu waa ii hal ceyne
Waayaha kala cadeynin
Lurka iyo camal ladnaanta
Caqligu ka gareysan maaye
Col iyo nabad kii ku deeqa
Go'aan caawaba ka qaado
Talana yey kula cuslaanin.
Lyrics by: Abdi deeq