Dad waxa u nasiib badan
Ninkaa daris la noqotee
Dagaal aad wadaagtaan
Kaa doortay
Kaa doortay qayrkaa
Anigaba daraadaa
Markii aan ku daawado
Jidhku waa i dubaaxshaa
Damqadaa dhamaan dushay

Adaan kuu il daranoo hee hee
Hodaneey i deeqdee
Saw adaaba iga daran
Isku duubnideeniyo
Dookh inaan wadaagnaa
Cabdow dadaalnee

Aan is daadahaynoo
Hadba meel dalxiisnee
Daacad ma isu noqonaa
Xaga dumar u nugulyee
Dooda aan ku leeyahay
Adigaa macaanoow
Daadihiyoo dawayn kara

Aan is daadahaynoo
Hadba meel dalxiisnee
Daacad ma isu noqonaa
Xaga dumar u nugulyee
Dooda aan ku leeyahay
Adihaa daadihiyoo
Macaanoow daweyn kara

Daryeelkiisa caashaqa
Dardar galinta hawshiyo
Waa dabaal dageenee
Ka ilaali ka ilaali
Dabuubta caashaqa
Cagtu baqaydar xumo iyo
Dibindaabyo gaagiyo
Dayac inuu mutaystoo
Damqadoo la yeeshee

May noqon mid ii daran
Aan daryeelin caashaqa
Inta aynu leenahay
Adna inaan is diidnoo
Oon kala dibawnoo
Kala durugnayee

Aan is daadahaynoo
Hadba meel dalxiisnee
Daacad ma isu noqonaa
Xaga dumar u nugulyee
Dooda aan ku leeyahay
Adigaa macaanoow
Daadihiyoo dawayn kara

Aan is daadahaynoo
Hadba meel dalxiisnee
Daacad ma isu noqonaa
Xaga dumar u nugulyee
Dooda aan ku leeyahay
Adigaa daadihiyoo
Macaanoow daweyn kara

Exit mobile version