hadaan dhaayhu
dharaar ku arkay n
ma dhama noloshuye
inbay iga dhiman

xiisee dhaawaca
hadaad dheeliday
jacaylka dhabtii
aniguu igu dhacay

dhiigaad raacdayoo
wadnahaad dhex dagtee
alloow yaanan dhiman
anoon kuu dhixin

dhibaato ku wayn
adoo iga dheer
maba iga dhaxa
kuma dheeliyooo

cishqugu dhalaneed
dheel dheel ma gayee
mursal dhankaaga adkee

dhunkaasha qadhaadh
dadba ka dhamee
hodan dhankaaga adkee

intaan dhursugaayay
dhaqaaq helid mooyee
dhismaha aqalkeena
u taag dhidibkiisa

inaan ii dhaqashee
ku dhawrsan tahee
adoon iga dheeraan
gacmahaaga ii dhiib

dhimbiisha jacayl
kulkii iyo dhmacdii
sidii dhibic roob
dhakhsoo damisee

sidii dhabigii
dhamays dumareey
markaan ku dhugtaa
qalbiga lay dhuftaa

cishqugu dhalanyeed
deeel dheel ma gayee
mursal dhankaaga adkaa

dhunkaasha qadhaadh
dadba ka dhamee
hodaneey dhankaaga adkee

Exit mobile version