Heesta Dhaxdin - Lyrics
hadaan dhaayuhu
dharaar ku arkayn
ma dhama noloshuye
inbaa iga dhiman
xiise dhaawaca
hadaad dheeliday
jacaylku dhabtii
aniguu igu dhacay
dhiigaad raacdayoo
wadnahaad dhex dagtee
ALLOW yaanan dhiman
anoon kuu dhixin
dhibaato ka wayn
adoo iga dheer
amaba iga dhaxa
kuma dheeliyo
cishqigu dhalanteed
dheeldheel ma gayee
mursal dhankaaga adkee
dhunkaasha qadhaadh
dadbaa ka dhamee
hodan dhankaaga adkee
intaan dhursagaayay
dhaqaaq helin waayee
dhismaha aqalkeena
u taag dhidibkiisa
inani dhaqashay
ku dhawrsantahee
adoon dheeraan
gacmahaaga ii dhiib
dhinbiisha jacayl
kulkiyo dhamacdii
sidii dhibic roob
dhakhso u damisee
sidii dhabigiii
dhamays dumareey
markaan ku dhugtaa
qalbiga la i dhuftaa