VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Dheef - Lyrics

dhanka bidix adoo xiga dheyal ila wadaagoo wadnaheyga dhinacyada dhexmaraaya xididada lafaheyga dhuuxiyo halbowlaha dhaqaajoo sanbabaduu ka diirtuu dhigay dhiigeyga kala wada dhankastaba ka eegoo dhayal maleh jaceylkuye waa dhex taalka noloshiyo dhaqdhaqaaqa noolaha anba waad igu dheertahoo wadnahaa dhextaalaa dhamaan waaxyaheygiyo dhimirkaa wareegtaa kalgaceyl dhaaboobaaa isi so dhaweyoo sida sida dheyda caanaha naftu kama dhargeysee dhankastaba ka eegoo dhayal maleh jaceylkuye waa dhex taalka noloshiyo dhaqdhaqaaqa noolaha waxii adi ku dhibi kara anigana i dhaawaca jaceylkeena dhimi kara iska dhowrno abidkeen dhaayahii nafteydaay dhowr aan yagyeelnoo intaan wali kugu dhuro macaan ha iska dhaga tirin dhankastaba ka eegoo dhayal maleh jaceylkuye waa dhextaalka noloshiyu dhaqdhaqaaqa noolaha inuu caashaq dheefyahay dhadhankiisu malab yahay dhunkashadu macaantahay anba wey anba weygu dhigantee waa waxa dhismaha guur aqal loo dhidbeeyoo ubad ubad loo dhalaayoo loo dhaqanayee dhankastaba ka eegoo dhayal ma leh jaceylkuye waa dhextaalka noloshiyo dhaqdhaqaaqa noolaha
Queue is empty
-- / --