Heesta Dhibane - Lyrics
muxuu caashaqu dhinbiilo
dhamaan oogada ku shiday
muxuu dherer iyo laxaad
intuu dhalan rogay korkayga
waliba dhaawiciina gaadhay
muxuu caashaqu dheg yidhi
intuu isu kay dhajiyay
muxuu dhuuxiyo lafaha
intuu dhaawacay jidhkayga
waliba dhiigana ku faafay
maxaan dhooleey kalgacal
dhanbaaliyo hadal macaan
xagaaga ka dhawrayaa
maxaan dhuubto dartaa
intaan dhuuniga ka go'ay
adigaa kuu ahay dhibane
dhankaaga anoo u badan
maxaan kaa daba dhacoo
runtii kuu dhimanayaa
muxuu caashaqu dhex galay
dhanka beerkiyo wadnaha
muxuu sii dhaafayoo
intuu sii dhex maray laftayda
waliba dhuuxayga taabtay
muxuu caashaqu i dhibay
dharaarana aan qarsaday
muxuu dhamac iyo dab kulul
intuu dhinacayga daaray
waliba dhulku ila wareegay
maxay naftu kula dhacdoo
haweenba ka dhaersadoo
muuqaaguun ku dhaygagaa
maxay dhaayaha indhuhu
dhibicda ilmada iga timid
dartaa dhabanadu qoyeen