Heesta Ehano - Lyrics
halyaygaan raga kala baxaw
hanadkii aan goobayoow
naftaa kugu hawlanoo
inaan ku hantaan rabaa
hoobaan aan kuu guriyo
hogasho waa inoo dane
hoy wacan aan wada galnee
i hano waan kaa helee
mudaba kaan haybiyee
nafta u hibeeyayoow
hawraartu way iga dhantee
hadmaan wayda hoy galnaa
adaa isku kay huroo
i guntiyay haybad kuu noqdee
hamiga kugu kaydiyee
i hano hubaal waan kaa helee